1 min read

Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay Sakariye Cali Axmed

Muqdisho:-Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida ayaa xukun dil toogasho ah ku xukuntay Ex Dable Booliis Sakariye Cali Axmed oo hore ugu Eedaysanaa dilka bareer ah oo uu u geystay Ex Xiddigle Booliis Marxuum Cali Xasan Siyaad.

Dilkan ayuu Sakariye ka fuliyey Degmada Dayniile 28/7/2022,sidoo kale Sakariye ayaa hore usii qaatay Baastolad uu lahaa Marxuumka iyo qorigii Dowladda isagoo intaas ka dib ka baxsaday dalka.

Sakariye ayaa u baxsaday Dalka South Sudan ayaa ugu dambayn soo galay Gacanta Haya’addaha Garsoorka Soomaaliya ka dib markii ay soo qabashadiisa iska kaashadeen Booliiska Soomaaliya iyo Booliiska caalamiga ah ee Interpol.