1 min read

Guddoomiyaha Baarlamaan oo shir-guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah

Muqdisho :- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 29-aad ee guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulan oo ajandihiisu ahaa warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ka aransishada kulanka guud inta ka harsan Kalfadhiga Seddaxaad ee Golaha Shacabka iyo warbixinta Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ku saabsan tababarada guddiyadda Golaha Shacabka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa warbxin guud ka siiyay sida ay u socoto tababarada guddiyadda Golaha Shacabka oo meel wanagsan maraya.