1 min read

Galmudug oo ku hanjabtay inay saacadaha soo socda ay Al-shabaab ka saari doonaan Ceelbuur

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay rajeynayaan inay Al-Shabaab kala wareegaan magaalada Ceelbuur, oo in kabadan toban sano gacanta ugu jirtay kooxda Al-Shabaab.

Waxaa ay dowladdu sheegtay, in ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug ay si tartiib tartiib ah gudaha ugu galayaan Ceelbuur.

Wasiir ku xiigeenka wasaaradda amniga Galmudug,Cali Baashi Cabdullaahi, ayaa BBC-da u sheegay inay guulo ka gaareen howgallo ay ka fuliyeen deeganada kala ah Coosweyne, Wabxo iyo Jowo oo ka tirsan gobolka Galgaduud isla markaana ay shabaab ka qabsadeen deegaanadaas.

Dhanka kale, waxaa uu sheegay inay si ku meel gaar ah u hakiyeen in gawaarida sida cuntooyinka iyo shidaalka gudaha u galaan deeganada ay howlgallada ka fulinayaan.

Deegaanka kale ee u haray ee ay doonayaan inay shabaab ka saaraan ayaa ah deegaanka Galhareeri.