1 min read

Al-Shabaab oo weerarro isku mar ah ka geystay xalay magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen kadib israsaasayn ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta magaalada Muqdisho iyo maleeshiyada Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay degmada Kaxda.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay abaare 1:40-daqiiqo weerar ku qaadeen afar deegaan oo ka tirsan degmada Kaxda.

Goobaha la bartilmaameedsaday ayaa kala ah Saldhiga Booliska, Xarunta Maamulka Degmada iyo laba goobood oo bar koontorool ah oo amniga laga sugo.

Weerarkii ugu xoogganaa ayaa lala beegsaday saldhigga booliska oo ay Al-shabaab ku qarxiyeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, hase yeeshee ciidamada booliska ayaa weerar rogaal celis ah ku qaaday oo iska caabiyay maleeshiyada Al-shabaab.

Maleeshiyada ayaa intaasi kadib waxa ay dhowr baasuuke ku dhufteen saldhiga kahor inta ay isaga bixin.