1 min read

Nabadoonno uu ka mid ah yahay Sheekh Shariif oo xal ka gaaray dagaal beeleedyo

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada Dhexe ee maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in heshiis horudhac ah laga gaaray khilaaf muddo u dhaxeeyay beelo halkaa wada daga oo ay ku baxeen madax iyo oday dhaqameedka deegaanka.

Deegaanka Burka Diirimeed oo ka tirsan Shabeelleada Dhexe ayaa xalay lagu soo gabagabeyay heshiis beelahaas ay wada gaareen isla markaana maalmahaan ay waan-waantooda ku jireen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Wasiirka dib u heshiisiinta maamulk Hirshabeelle Cabdullaahi Cadde ayaa sheegay in wali ay sii wadayaan dedaallada nabadeed ee socda, madaxduna ay halkaa sii joogayaan tan iyo inta laga dhameynayo waxa harsan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maalmihii la so dhaafay ku sugnaa deegaannada u dhow dhow magaalada Jowhar si xal looga gaaro dagaal beeleedyo halkaa ku soo noqnoqday oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.