1 min read

Wasiirka Ciyaaraha ee Soomaaliya oo hortagay maanta Golaha Baarlamaanka

Muqdisho :- Guddoomiye ku Xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Maanta Shir Guddoomisay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 17-aad oo uu wahlinayo Guddoomiye ku igeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, waxaana soo xaadiray 141 Xildhibaan.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa u yeerida iyo hor imaanshaha Golaha Guud ee wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha ee XFS iyo Ka jawaabidda Su’aalo Oraaheed sida uu qabo Qadobka 69-aad/2 ee Dastuurka KMG iyo Qodobadda Xxeer-hoosaadka 53aad/f-1,iyo Qodobka 63-aad.

Guddoomiye Sacdiyo yaasiin Xaaji Samatar ayaa ugu horreeyn u yeertay Guddoomiyaha Guddiga horumarinta Adeegga Bulshada Xil. Nadra Saalax Cabdi oo xildhibaanada ka hor akhrisay magacyada xildhibaannada saxiixay mooshinka ka dhanka ah wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS.

Intaasi kadib Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeeshay su’aalana ka weydiiyey wasiirka arrimo ku saabsan xiriirka ciyaaraha fudud iyo xiriirada ciyaaraha kale iyo sidoo kale arinta Nasra Abuukar Cali oo ahayd gabadhii Soomaaliya ku matalaysay Oradka dooda badan ka dhalatay, Xildhibaannada ayaa su’aalahooda iyo doododa u badneeyd toosin iyo talo soo jeedin ku socota Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha ee XFS

Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha ee XFS Xil.Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka jawaabay dhammaan su’aalihii ay weydiiyeen xidhibaannada Golaha Shacabka BJFS.

Ugu dambeyntii Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa soo xirtay kulanka maanta.