1 min read

Ronaldo oo ku hoggaamiyay kooxdiisa Sucuudiga ee Al-Nasri horyaalka naadiyada Carabta.

Ronaldo ayaa labo gool oo uu dhaliyay ku hoggaamiyay kooxdiisa Al-Nasri koobkii ugu horreeyay ee naadiyada Carabta, in kastoo ay sagaal ciyaartooy ku dhamaysteen waqtigii dheeriga ahaa.

Ciyaaryahanka reer Bortaqiis ee 38 jirka ah ayaa kaalin mug leh ku lahaa inay ka soo laabtaan gool lagaga hormaray ciyaartii ay la ciyaareen kooxda isla Sucuudiga ka dhisan ee Al-Hilaal, ciyaarta kama dambeysta koobka naadiyada Carabta, kaas oo ay ku badiyeen 2-1.

Ronaldo ayaa dhaliyay goolka barbarraha ka hor inta aan ciyaarta laga saarin Abdulelah Al-Amri and Nawaf Boushal oo labaduba u ciyaarayay Al-Nasri

Ronaldo ayaa gool kale dhaliyay qaybtii hore ee waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray kaddib markii ay barbarro 1-1 ah ku dhaamatay sagaashankii daqiiqo ee ciyaarta, sidaas ayuuna koobkiisii ugu horreeyay kula guuleystay kooxdiisa Al-Nasri.

Ronaldo ayaa sidoo kale ku guuleystay inuu noqdo gool dhaliyaha tartanka kaddib markii uu dhaliyay lix gool.

Tartanka naadiyada Carabta, waxa ka qayb galay naadiyada ugu sarreeya wadamada Sucuudiga, Qatar, Imaaraatka, Ciraaq, Morooko, Tunisiya iyo Aljeeriya.