1 min read

Horyaalka Laliga-ha Spain oo cabasho ka gudbiyay in taageero dhaqaale Dalka Qatar siiso naadiga PSG.

Horyaalka kubadda cagta Spain ee Laliga ayaa warqad cabasho ah u gudbiyay guddiga yurub taasoo ka dhan ah naadiga Paris St German oo ay ku eedeeyeen inuu kab dhaqaale si suuq madow ah uga helo Dawladda Qatar.

Arintan ayaa u ogolaatay kooxda PSG oo ay leedahay shirkadda maalingalinta ciyaarraha ee Qatar tan iyo 2011 kii inay la soo saxiixdaan ciyaartoy iyo tababarayaal qiimahoodu ka sarreeyo xaaladda caadiga ah ee suuqyada ayaa lagu yiri warqada cabashada ee uu gubiyay Laliga-ha Spain Sabtidii.

Horyaalka Spain ayaa warqadiisa ku sheegay in “PSG kab dhaqaale ka heshay Dawladda Qatar, taasoo u saamaxday inay ku hormariso loolanka suuqyada, waxayna ku abuurtay dhalan rog suuqyada gudaha iyo kuwa Midowga Yurub”.