1 min read

Xildhibaannada Baarlamaanka oo akhrinta koowaad marsiiyay hindise sharciyeedka xuquuqda naafadda Soomaaliyeed.

Muqdisho :-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga saddexaad kulankiisa 16-aad ee Golaha Shacabka.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa Hindise sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed, iyadoo xildhibaannadu ay soo gudbiyeen in ajandaha lagu daro mooshin ku saabsan warbixinta xuquuqul insaanka ee xabsiga Dhexe ee Xamar.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo Xildhibaannada Golaha hortooda ka akhrisay hindise sharciyeedka ayaa waxa ay sheegtay in dalka uu u baahan yahay xuquuq dhameystiran oo ay yeeshaan dadka naafada ah ee ku nool dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddiyo Xildhibaano ah oo booqasho sameeyay xabsiga dhexe ee Xamar ayaa gudbiyay warbixin ku saabsan xaaladda Xuquuqul Insaanka, ayaa waxaana ay  sheegeen in loo baahan yahay xuquuq ay yeesheen maxaabiista ku xiran xabsiyada ku yaala dalka, iyaga oo soo jeediyay dadka dembiyada yar yar loo heeysto in la cafiyo, si xabsiga oo ciriiri ah dadka loo kala yareeyo. Sidoo kale Xildhibaannadda waxay xuseen in qofka la soo xiro aan xabsiga lagu ilaawin, la maxkamadeeyo si muwaadinka uu u helo xuquuqdiisa.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa Xoghayaha Guud ee Golaha faray in warbixinta saddexda guddi ay soo diyaariyeen ku wareejiyo Guddiga Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Golaha Shacabka BJFS.