1 min read

Wararkii ugu dambeeyay ee gulufka militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii shanaad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaas oo uu ka wado ololaha dagaal ka dhan maleeshiyada Al-Shabaab.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku jirto qaban-qaabada guluf milatari oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareer ee Galmudug.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyidiin ayaa shalay la kulmay madaxa hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya Danjire Souef Mohamed El-Amine iyo taliyaha ciidamada ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding, iyaga oo ka wadahadla wajiga labaad ee soo socda, sida ay qortay warbaahinta dowladdu.

Siday ay ilo wareedyo amni u sheegeen VOA, dadka deegaanka Galmudug ayaa sidoo kale qeyb ka ah gulufkan militari, iyada oo ay jiraan maleeshiyaad ka tirsan dadka deegaanka oo si madax-bannaan isku abaabulayaan.

Warbaahitna dowladda ayaa dhinaca kale shaacisay in xubno ka tiran Al-shabaab ay isku soo dhibeen ciidanka xoogga dalka.

“Maxamed Coloow Maxamed oo magaciisu afgarashadu yahay Mascuud ayaa goordhow isku soo dhiibay guutada Khaalid binu waliid ee Ciidanka xoogga dalka. Maxamed waxaa uu ka mid ahaa Khawaarijta ku dhuumaalaysanaysa deeganada miyiga ah ee gobolada Galgaduud.” ayaa lagu yiri qoraal kusoo baxay warbaahinta dowladda.