1 min read

Tahriibayaal Badda ku dhintay iyagoo  ku sii jeeday Talyaaniga. 

41 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay doon ku degtay jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, sida ay dad ka badbaaday u sheegeen warbaahinta gudaha.

afar qof oo ka badbaaday musiibadaas ayaa u sheegay samatabbixiyaasha in ay saarnaayeen doon ka soo kacday magaalada Sfax ee dalka Tunisia, ayna kuna sii jeeday dalka Talyaaniga.

Afarta qof ee badbaaday oo asal ahaan kasoo jeeda Ivory Coast iyo Guinea, ayaa Arbacadii gaaray Lampedusa.