1 min read

Ciidanka Xoogga oo howlgal ka fuliyay xarun ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen qaraxyo

Buulo burte:-Howlgal Qorshaysan ayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbadooda caalamiga saaka ka fuliyeen xarun Khawaarijtu ku leedahay deegaanka Mukayle oo ka tirsan Degmada Buulo burte ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa waxaa lagu beegsaday Garaash wayn oo Khawaarijta u ahaa goob ay ku diyaarinayaan Qaraxyada.

Ciidanka Qaranku waxa ay halkaas ku burburiyeen afar Gaari oo ay Khawaarijtu ku rakibeen Qaraxyo si ay u waxyeelleeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Goobtaas waxaa ku halaagsamay Malleeshiyaad ka mid ahaa kuwa sida gaarka ah ugu tababbaraa samaynta Qaraxyada

Geesiyaasha Qaranku waxa ay ku jiraan qiimaynta qasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray Khawaarijta.

Weerarkan ayaa qayb ka ah howlgallada ay Ciidamada Qaranku ku burburinayaan saldhigyada Khawaarijta, Malleeshiyaadkooda iyo xarumaha ay ku diyaariyaan dhagarta Shacabka si loo cuuryaamiyo awooddooda.