1 min read

Wasiirka cadaaladda Soomaaliya oo raali galin siiyay Golaha Baarlamaanka.

Wasiirka cadaaladda iyo dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa raali galin ka bixiyay kulankii golaha shacabka ee Sabtidii uu ka ballansanaa isla markaana uu dib uga dhacay.

Baarlamaanka ayuu hor geeyay hindise sharciyeed kadibna waxaa la sheegay inuu iska baxay isagoon wax sharraxaad ah wasiirku ka bixin sharcigaas iyo ujeedka laga lahaa.

Wasiir Xasan Macallin oo maanta hadal kooban ka horjeediyay Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa sababta dib u dhaca keentay ku sheegay in maalintaas looga yeeray shir amniga qaranka looga arrinsanayay sidaa darteedna uu waqtigii ka soo dib dhacay.

Dhanka kale Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa qaarkood arrintaa ku tilmaamay dhaqan aan habbooneyn, iyagoo soo jeediyay in codka kalsoonida loo qaado wasiirka, balse qaar kale ayaa iyaguna soo jeediyay in xaaaladda aan cirka lagu shareerin oo si deggan loo maareeyo.