1 min read

Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya oo shaacisay natiijada imtixaanka Qaran ee Dugsiga sare.

Muqdisho :- Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuunmadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow shaacisay natiijadda imtixaanka qaran ee Dugsiga sare ee sannad Dugsiyeedka 2022/2023.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, wasiirka waxbarashadda XFS iyo mas’uuliyiin kale oo tarsan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa sugnaa munaasabada ku dhawaaqida natiijada imtixaanka shaahidaga ah ee Dugsiga sare oo sanadkaan ay galeen 32,501 arday.

Deeqa Maxamed Cabdulaahi oo dhigata Dugsiga Faanoole ee Degmada Kismaayo ee Jubbaland ayaa gashay kaalinta Koowaad ee imtixaanka Qaranka ee sannad Dugsiyeedka 2022/2023, oo ay u fariisteen 32,501 Arday.

Wasaaradda waxbarashadda ayaa guddoonsiisay abaal marino ay ku jiraan agab waxbarasho 22-ka arday ee ugu sareeya imtixaanka, waxaana guddoonsiiyay ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.