1 min read

Wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Muqdisho soo gaaray.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dadweyne kala duwan.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ay ka qeyb geli doorman marka laga reebo Madaxweynaha Puntland munaasabad loogu dabaal dagayo salad guurada koowaad ee kasoo wareegatay markii la Magacaabay Golaha Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre