1 min read

Ciidmadaa ATMIS oo u diyaargaroobaya wajiga labaad ee ka bixitaanka Soomaaliya

Taliyeyaasha ugu sarreeya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo gabagabeeyay kulan socday afar maalmood oo looga hadlay  qiimeynta wajigii koowaad ee ka bixitaankii ciidanka ATMIS ee Soomaaliya iyo u diyaargarowga wajiga 2-aad oo la filayo in la soo gunaanado bisha Setembar ee soo socota.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay taliyeyaasha cutubyada shanta dal ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya; Kenya, Uganda, Djibouti, Ethiopia iyo Burundi,iyadoo uu shir guddoominayay taliyaha ciidamada ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding.

Kulankaan oo halku-dhiggiisu ahaa Xoojinta Wada-shaqeynta ciidanka ATMIS CONOPS,ayaa lagu sheegay in wejiga labaad ee ka bixitaanka Soomaaliya loo diyaariyay 3000 oo askari , halka bishii June ee la soo dhaafay dalka ay ka baxeen 2000 oo ciidan.

Ciidamada ATMIS iyo ciidanka xoogga dalka  ayaa hadda qorsheynaya wejiga labaad ee howlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab ,kadib markii kooxdaasi laga xoreeyey deegaanno badan oo dhaca Hiiraan,Gaalgaduud iyo Mudug.

Kulanka taliyeyaasha qeybaha ayaa afartii biloodba mar la qabtaa si looga hadlo howlgalada  muhiimka ah ee amniga iyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya .