1 min read

Faa’idooyinka caafimaad ee malabka laga helo.

Malabka iyo dawooyinka dabiiciga ah ee aysan dhaqaatiirta soo qorin ayaa ku habboon in marka ugu horreysa loo isticmaalo la tacaalidda qufaca, sida ay muujineyso talo cusub oo ka soo baxday khubarada.

Xeel dheerayaasha dhinaca caafimaadka ayaa sheegay in daawooyinka qallajiyaha ee loo yaqaanno Antibiotics-ka ee ay soo qoraan dhaqaatiirta ay si dhif ah wax uga qabtaan qufaca, sababtoo ah inta badan saameyntooda ayaa ah mid aad u yar.

Inta badan qufaca ayaa qofka uga dhammaada si iskiis ah markii uu socdo muddo labo ilaa saddex usbuuc ah.

Taladan cusub oo dhaqaatiirta kale xitaa ku boorrisay in ay Malabka tixgalin siiyaan ayaa looga gol leeyahay in lagu xakameeyo dhibaatooyinka ka dhasha dawooyinka qallajiye-ahaanta loo adeegsado.

Noocyo badan oo ka mid ah dawooyinkaas ayaa marka dambe sababa in uu jirka iska caabbin ku sameeyo oo ay wax tar la’aan noqdaan.

In si xad dhaaf ah loo isticmaalo qallajiyeyaasha ayaa waxaa ka dhasha caabuq ay adag tahay in si fudud loo daaweeyo, kaasoo abuura unugyo ka hor taga falgalka dawada.

Biyo kulul oo lagu qaso Malab – oo inta badanna lagu daro liin dhanaan iyo sanjabiil – ayaa aad looga yaqaannaa in guryaha laga isticmaalo, si loogu daweeyo qufaca iyo xanuunnada yar yar ee ku dhaca dhuunta.

Talo soo jeedintaan cusub oo ay si wada jir ah u soo saareen khubarada Machadka qaran ee caafimaadka iyo xannaanada waddanka Ingiriiska iyo waaxda caafimaadka dadweynaha ee (PHE) ayaa lagu sheegay in dawooyinkaas dabiiciga ah ay ka waxtar badan yihiin kuwa ay dhaqaatiirta soo qoraan.

Dawooyinka loogu tala galay qufaca ayaysan qudhooda meesha ka saarin, balse waxa ay hoosta ka xarriiqeen in Malabku uu ku jiro kaalinta koowaad.