1 min read

Dowlad dooneysa in ay ka hortagto gubista kitaabka Qur’aanka ah.

Danmark ayaa ka fiirsanaysa inay mamnuucdo mudaaharaadyada lagu gubayo Qur’aanka kariimka ah, sababo la xiriira amniga iyo diblomaasiyadda.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Denmark ayaa sheegtay in iyadoo ilaalineysa xoriyatul qawlka ay haddana muhiim tahay, in la ogaado in tillaabooyinka lagu gubayo Qur’anaka ay faa’iideysanayaan kooxaha xagjirka ah oo khatarta ku ah ammaanka.

Xukuumadda Copenhagen ayaa ka fikireysa hab sharci ah oo ay ku farageliso xaaladaha qaarkood, oo ay ku jiraan mudaaharaadyada ujeedkoodu yahay in diimaha lagu wax yeelleeyo.

Ra’iisul wasaaraha Sweden ayaa sidoo kale sheegay in howshan oo kale ay halkaas ka bilaabatay.

Labada waddan ee Scandinavian-ka ayaa la kulmay cadaadis toddobaadyadii la soo dhaafay, ka dib markii mas’uuliyiintu ay fasaxeen mudaaharaadyo is daba joog ah oo muran dhaliyay oo lagu gubaya Qur’anaka Kariimka ah, taasoo kicisay xiisad diblomaasiyadeed oo kala dhexeysa dhowr waddan oo Muslimiin u badan.