1 min read

Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Degmada Beledxaawo ee gobolka Gado.

Muqdisho :-Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa ka warbixiyey Kulan looga hadlayey amniga deegaanada xuduudka ku yaala ee gobolka Gedo ka oo dhacay degmada Beledxaawo.

Kulanka uu shir guddoominayay Madaxweyne ku xigeenka jubbaland Maxamuud Saydi Aadan ayaa looga hadlay wada shaqeynta iyo iskaashiga  ciidamada,sugida amniga degaanada katirsan gobolka Gado iyo sidii loo laba jibaari lahaa howlgalada ka dhanka ah khawaarijta.

Sidoo kale waxa shirka looga hadlay dhisida ciidamo cusub oo darawiisha ah kuwaa oo qeyb ka qaadanayo sugidda amniga degaanada hoos tago gobolka Gado.

Dhawaan ayay ahaayd markii Madaxweynaha jubbaland uu gobolkaa u magacaabay taliyaha ciidanka Darawiishata si loo tayeeyo ciidamada,loona dar-dargaleyo sugida aminga gobolka.