1 min read

Manchester United oo diiday dalab 20 milyan ginni ah oo ay West Ham ugu gudbisay daafaca England.

Manchester United ayaa diiday dalab 20 milyan ginni ah oo ay West Ham ka gudbisay daafaca England Harry Maguire.

Tababaraha Hammers, David Moyes ayaa isha ku haya Maguire, wuuna heystaa lacag uu ku qarash gareeyo ka dib iibkii 100 milyan ginni ee uu kala soobaxay ninka khadka dhexe uga ciyaara England oo lagu magacaabo Declan Rice.

Mustaqbalka Maguire ee Old Trafford ayaan la hubin ka dib markii Erik ten Hag ka xayuubiyay kabtanimada horaantii bishaan.