1 min read

Howlgallo lagu baacsanayo Al-Shabaab oo ka socda Bartamaha Soomaaliya.

Diyaarado ayaa saakay aroortii duqeeyay fariisin kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Labi Aw-Xassan oo u dhaxeeya Hilowle Gaab iyo Ceel Bacad oo hoos taga degmada Ruun Nirgood.

Deegaanka Duqaynta ka dhacday ayaa ah dhul howd ah oo u dhexeeya gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.
Ma jiro war madax-banaan oo xaqiijinaya tirada khasaaraha halwgallada.

Duqaymahan lasii weriyey weli rasmi ahaan uma aysan xaqiijin dawladda federaalka iyo dawladaha Soomaaliya ka saacida dhinaca hawada.

Warbaahinta dowladda Federaalka ayaa qortay in wasiirka Difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu u sheegay ‘in howlgal sifeyn ah’ uu ka socdo deegaanada u dhexeeya gobolada Shabeellada dhexe iyo Galgaduud si gaar ah aagga Daaru-nimca.