1 min read

Al-Shabaab oo weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya u adeegsatay Diyaarad drones ah.(Diyaradaas oo la soo riday).

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay billowday isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka, kuwaas oo loo adeegsado xog uruurinta, kadib howlgal ay ka fulisay gudaha waddanka Kenya.

Arrintaan ayaa lagu ogaaday weerar ay kooxda ku qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin degaanka Siraari ee gobolka Waqooyi Bari, kadib markii ay ciidamadu soo rideen diyaarad aan duuliye laheyn oo lahaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay kooxda u adeegsaneysay uruurinta xogta ka hor weerarka ka dhacay deegaankaasi, sida laga soo xigtay saraakiisha laamaha ammaanka.

Sidoo kale ciidamadu waxa ay toogasho ku dileen qof looga shakiyay inuu is qarxin rabay, kaas oo ku dhawaaday saldhigga ciidamada Kenya ee la weeraray.

Arrintaan ayaa waxay marag u tahay inay Al-Shabaab casriyeyeen howlgalkooda, isla-markaana ay bilaabeen isticmaala diyaaradaha yaryar ee Drones-ka, taas oo ah halis kale.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarada ay ka fuliso gudaha dalka Kenya, ayada oo beegsata xarumaha ciidamada iyo basaska mara gobolka Waqooyi Bari.