1 min read

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland oo ansixiyay waxka bedel lagu sameeyay Dastuurka.

Xildhibaannada Golaha wakiilada ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta kulan ay ku yeesheen magaalada garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa ay wax ka bedelid ku sameeyeen dastuurka Puntland, kaas oo bilihii la soo dhaafay uu muran ka taagnaa. 

Kulanka Maanta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 60 mudane, iyada oo Xildhibaannada qaarkood la sheegay in xalay ay seexdeen meelo kamid ah Xarunta Baarlamaanka,halka badi waaberigii hore ee saakay ay Xarunta tageen.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Dastuurka Puntland, waxaa Oggol ugu codeeyay 54 mudane, Diidmo 6, cid ka aamustayna ma jirin.

Guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu ansax yahay waxka bedelka lagu sameeyay dastuurka Puntland, waxaana qodobada lagu daray Dastuurka Puntland kamid ah in Xisbiyada Puntland ay noqonayaan  9 Urur siyaasadeed oo ah kuwii galay doorashadii Golaha deegaanka.

Sidoo kale in Xildhibaanada ay xasaanadooda ku waayi karaan  44 cod, taas oo ka dhigan in awooda ay siyaadiyeen, halka markii hore ay aheyd cod dheeri, iyada oo sidoo kale lagu daray in Madaxweynaha, kuxigeenkiisa iyo golaha Wakiilada ay dadweynuhu toos u soo dooranayaan.