1 min read

Ciidamada Xoogga dalka oo nawaaxiga degmada Waajid ku dilay 25 ka tirsan Al-Shabaab.

Waajid :- Ciidamada xoogga dalka ayaa 25 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta ku dilay deegaanno dhaca galbeedka degmada Waajid ee gobolka Bakool halka tiro intaasi ka bandanna lagu dhaawacay, xilli ay malleeshiyadu isku diyaarinaysay dhagarta shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha degmada Waajid, Maxamed Macallin Yuusuf oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in khawaarijta la laayay ay shan ka mid ihi ahaayeen ajaanib, isagoo intaa raaciyay in dhaawacyadii ay ka carartay kooxdu iyagu soo qaadeen.

Warar ka madax bannaan maamulka degmada oo ay heshay warbaahinta Qaranka ayaa sheegaya in qasaaraha lagu gaarsiiyay khawaarijta howlgalka ka dhacay galbeed degmada Waajid uu intaas ka badan yahay.