1 min read

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliya oo kulan la yeeshay madaxda howlgalka midowga Afrika ee ATMIS.

Muqdisho:- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la yeeshay madaxa howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya,( ATMS), Amb. Mohamed El-Amine Suoef, Taliyaha Ciidanka Milatariga ATMIS, Sareeye Guud. Sam Okiding iyo Taliyaha Boliiska ATMIS, Commissioner, Hillary Sao Kanu.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta Ciidanka Boliiska iyo qorshayaaaha hortabinta u leh Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ka hor bixitaanka ATMIS.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo tiir dhexaad u ah Ciidamada Qalabka Sida ee JFS ayaa u diyaar garoobaya sidii loo hanan lahaa amaanka Dalka maadama ay mas’uuliyada  sugida Amniga guud ee dalku dhawaan ay la wareegi doonaan Ciidamada JFS.