1 min read

Xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon oo ku guullaystay doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

Xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon, ayaa ku guullaystay doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

46 Xildhibaan ayaa u codeeyay Faratoon halka xildhibaan Maxamed Khadar-na ay u codeeyeen 35.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1947-kii. Wuxuu dugsigii hoose ku dhammaystay isla magaaladaas, halka uu baxay dusgsigii sare ee Dayaxa ee magaalada Ceerigaabo.