๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐ฐ๐ฎ๐๐ต๐ผ ๐๐ต๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ณ ๐ ๐๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฒ๐๐ฎ๐ ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป๐ป๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐น๐ฎ๐ด๐ฎ ๐๐ผ๐ผ ๐ฑ๐ผ๐ผ๐ฟ๐๐ผ ๐ฃ๐๐ป๐๐น๐ฎ๐ป๐ฑ.
Muqdisho :-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf iyo xog-wareysi isugu jira hoygiisa kula yeeshay Xildhibaannada labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland.
Raโiisul Wasaaraha ayaa Xildhibaannada warbixin ka siiyey heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan sidii loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasilloonida Puntland, islamarkaana khilaafka jira wada-hadal loogu dhammeyn lahaa.
Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay xaaladda Gobolka Sool iyo xal u helidda colaaddaha ka jira gobolkaasi.
Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay ka shaqeeyan nabadda iyo xasilloonida dalka, si loo xaqiijiyo horumarka la hiigsanayo.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), iyadoo ugu dambeyn si wanaagsan la isugu afgartay.