1 min read

Mas’uuliyiin loo heystsy Musuq maasuq oo Maanta Maxkamad la horkeenay=Magacyadooda=

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa Maanta la horkeenay Afar Mas’uul oo katirsanaa hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo Xeer Ilaalinta Qaranka ay ku soo eedeysay inay ku kaceen eedo la xiriira musuq maasuq.

Mas’uuliyiinta oo Dhalinyaro ay kamid yihiin ayaa Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay ku kala xirnaayeen Xarunta Hay’adda dambi baarista CID-da iyo Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ( Dabaan) ayaa sheegay in raga Maxkamadda Maanta la horkeenay ay kala yihiin.

1:  Cabdullaahi Maxamuud Cosoble

2: Aadan  Maxamed Cabdi

3: Saabir  Xasan CabdiNuur

4: Cumar Macalin Nuur.

Mas’uuliyiintan Maxkamadda Maxkamadda Gobolka Banaadir la horkeenay ayaa dhammaantood lagu eedeeyay inay lunsadeen lacago ay musuq maasuqeen, taas oo laga qaaday Shacabka Soomaaliyeed,sida ay sheegtay Xeer ilaalinta Qaranka.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa dhawaan soo bandhigay Magacyada 18 Mas’uul oo ku eedeysan xatooyo Xoolo dadweyne, kuwaas oo qaarkood xiran qaarna la sheegay inay dalka ka baxsadeen.