5 mins read

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Africom oo howlgal ay fuliyeen ku dilay Al-Shabaab fara badan.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa howgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Soomaaliya ee AFRICOM ayay waxay howlgal qorsheysan oo cirka iyo dhulka ah dhawaan ka fuliyeen degaanada Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/dhexe oo ay isku uruursanayeen Khawaarijta, waxaa marka hore dagaalku ku bilowday duqeyn ay fuliyeen Diyaaradaha Drones ah ee AFRICOM, kadib waxaa xigay Ciidanka Danab oo cirka kaga soo degay, gumaad ba’anna u geystay Maleeshiyaadkii isku urursanayay Deegaankaasi, waxaana ugu dambeyntii dambastiray Ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Gor-Gor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Howlgalkaasi ayaa waxaa lagu dilay ku dhowaad 100 tirsan Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyadoo isla markaana howlgalkaa lagu bururburiyay goobtii ay dhagarta ku maleegayeen cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Khawarijta Arxanka daran ee Al-shabaab, waxaa la soo warinayaa in .howgalkaasi ay gacan fiican ka geystay Shacabka deegaanka oo wada shaqeyn wanaagsan la yeeshay ciidanka Qaranka ee hawlgalkaasi ku jiray.

Howlgalkaasi ayaa ahaa mid aad loo sii qorsheeyay, ayna ka qeybqaateen Xoogag isbiirsaday ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya  u mahad celinaysaa hawlgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Qaranka oo gacan ka siisay hawlgalkan lagu burburiyay Qowleysatada Khawaarijta ah ee isku uruursanayay dhibaateynta Dadka Soomaaliyeed, waxayna dhawaan saldhig cusub ka sameysteen Degmada Galcad ee Gobolka Galguduud, kaasi oo ujeedkiisu yahay in si dhaqsi leh loo soo afjaro wejiga 1-aad ee ee dagaalka lagu sifeynayo deegaannada ay wali kaga harsan yihiin Gobolka, kadibna loo jeesto wejiga 2-aad ee dagaalka, kaasi oo ah koonfurta dalka Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wali wada howlgal dhinaca dhulka ah, iyaga oo ku raad jooga firxadka Khawaarijta Naf la caariga ah ee ka cararay dhimbilaha gumaca Rasaaseed ee geesiyaasha Qaranka, waxaana la filaa in deegaannada Ceel-buur iyo Galhareeri ay dhawaan gaaraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, saaxiibada caalamka iyo dadka deegaannada, waxaana lagu soo khatimi doonaa joogitaankii muddo sanooyin ah ee ay khawaarijtu ku fasahaadineyeen, islamaarkaana ay ku duleysanyeen Shacabka ku dhaqan degmooyinkaasi.

Hawlgalkaani waxa uu qeyb ka yahay hawlgallo joogto ah oo ay ugu dambeeyeen kuwii ka dhacay Budbud iyo Weel-Maarow halkaas oo lagu dilay in ka badan 70 ka tirsan Khawaarijta, Dawladdana oo kaashaneysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an in ay ciribtirto kooxaha Khawaarijta ah,oo ay aad u dhibsadeen Ummadda ku nool deegaanada.

Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga General, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faah-faahiyay howlgalkaasi iyo khasaaraha Maleeshiyaadkii naf la caariga ahaa ee ay dhowaan ciidanka xoogga dalku ka dileen khawaarijta,ayaa sheegay in todobaad gudihiis howlgallo gobollo kala duwan ka dhacay lagu dilayin ka badan 200 oo Khawaarij ah, tiro intaas ka bandanna loogu dhaawacay, ilsmarkaana lagu qabsaday hub iyo sanaad ciidan oo fara badan.

Afhayeenka oo ka hadlay howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay inta u dhexeysa gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe ayaa sheegay in loogu dilay khawaarijta in ka badan 30 Khawaarij ah oo ay ku jiraan laba horjooge, isagoo intaasi raaciyay in howlgallo ay bishan gudaheeda ka sameeyeen gobollada Jubbooyinka, Galgaduud iyo Shabeellada dhexe ay khawaarijta ugu geysteen jab xooggan kana khaarijiyeen horjoogayaal sar sare.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga General, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa intaasi ku daray in uu dhowaan billaaban doono wejiga labaad ee howlgalka loogu sifeynayo Dalka kooxd arxanka daran ee khawaarijta, wuxuuna xusay in haddii ay Shacabka Soomaaliyeed garab ku siiyaan dagaalkaasi ay si dhaqsi leh uu  Ciidankooda, aan loo baahnaan doonin weji saddexaad.

Dhinaca Koonfur Galbeed haddaan eegno waxaa beryahaan ka taagnaa khalalaase ka dhashay go’doomi ay ku sameeyeen Khwaarjtu magaalada Baydhabo, waxaana kala go’ay isu socodkii Dadka iyo Maciishadda, waxaana la sheegay in uu sare u kacay sicirka la kala siisto Rashinka quutul-daruugiga, iyadoo aan wada ogsoonahay inay al-shabaab hore go’doomin u saarnaayeen muddo 12 sano ah Magaalooyinka ka tirsan Maamulkaasi, ayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay howlgal Qorshaysan ka fuliyay xarun ay ku sugnaayeen Khawaarijta oo ku taalla deegaanka Ceel-bashiir oo ku yaalla waddada xiriirisa deegaanka Jameeco iyo degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay.

Howlgalkan oo dhacay Maqribnimadii ee xalay ayaa waxaa lagu dilay toban ka tirsan Maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ee ku sugnaa goobtaasi, waxaana la soo warinayaa in goobta howlgalku ka dhacay ay aheyd Isbaaro ay Khawaarijtu ku qaadanaysay lacgo baad ah, iyaga oo maalmihii dambe u isticmaalayay in ay ku cuna-qabateeyaan Shacabka ku nool gobalka Baay, wuxuuna howgalku uu ku soo dhamaaday sidii ay u qorsheeyeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxay waddaa barnaamijyo badan oo dhinaca Ammaanka Dalka ah, waxaana ka mid ah in ay dagaal adag kula jirto Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, in ay dadaal ugu jirto dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo loo diyaarinay inay si buuxda u hantaan Sugidda Ammaanka Dalka oo dhan iyo in ay dhimis ku waddo Ciidanka ka socda Midowga afrika ee ATMIS, kuwaasoo lagu wado inay gabi ahaamba dalka ka baxaan dhammaadka bisha Desember ee sanadka 2024-ka, qorshayaashii ayaa ah kuwa wada bar-bar socda oo ay dooneyso inay wada fulaan.