1 min read

Wasiirka Qorsheynta XFS oo qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta Mashaariicda ee Qaramada Midoobay, Mudane Lionel Laurens.

Kulanka aaaa logga hadlay fulinta mashaariic horumarineed kuwaasoo qeyb ka noqda dadaalka Dowladda Soomaaliya ugu jirto sidii looga guuri lahaa kaalmada beni’aadannimo islamarkaana si buuxda loogu wareegi lahaa mashaariic hormarineed, taasoo qeyb weyn ka cayaaraysa kobcinta dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.

Wasiir Beenbeene ayaa uga mahadceliyay madaxda Hay’adda UNDP taageerada ay mar walbo la garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.