1 min read

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Ciidanka Birmadka Booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto.Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimada, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maxamed Axmed Diiriye iyo Saraakisha Birmadka iyo Hoggaanka Dhismaha Boliiska, ayaa maanta kormeeray Ciidanka Birmadka Booliiska eeĀ  Ilaalada Amniga Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Kormeerkan ayaa ku saabsanaa korjoogteynta Hanaanka Shaqo iyo baraarujinta Ciidanka Birmadka ee ka howlgala Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.