3 mins read

Nasashada Jimacaha. Q-365=Siyaasadda waxaan ku nacay: Waxaa Badan Kii Adiga kaa saxan in aad Cadaw ka dhigato, kii khaladanna Saaxiib=

Siyaasadda waxaan ku nacay.

Siyaasi waxaan u noqon waayay wax yaaba badan waxaa ka mid ah Lixdaan:

1. Sh. Kashki, ayaa yiri: Dadka badankiisu waxa ay maleeynayaan in Cumrigoodu uu dheeryahay ayna heeystaan Fursad ay ku toobad keenaan. Waxaa dhacdo in geeridu ay si fudud oo aan la fileeyn kugu timaad.( F.S:1aad)

( Siyaasadda waxaan ku nacay:
Siyaasadda Adiga oo is leh, waxaa tahay Siyaasi weyn oo heysto wakhti dheer oo aad siyaasadda ku sii jirto, ilaa aad qorshahaaga dhameysato, ayaa wakhtiga iyo Xaaladuhu mar kaliya kaa saaraan Daaqadda, kadibna Adiga oo qaawan ayaad siyaasadda ka daba orodaa)

2. Voltaire ayaa yiri: waxaa khatar ah in aad saxnaato marka ay Dowladdu khaldan tahay ( it is dangerous to be right when the Government is wrong). ( F.S:2aad)

( Siyaasadda waxaan ku nacay:
Waxaa Badan Kii Adiga kaa saxan in aad Cadaw ka dhigato, kii khaladanna Saaxiib)

3. Aragti Siyaasadeed ayaa leh:
Mar mar waxaa loo baanahyahay in aad Dadka qaar baabiso, Jiritaankooda ama Xuquuqdooda, si aad u gaarto Dantaada gaarka ah. ( F.S: 3aad)

( Siyaasadda waxaan ku nacay:
Mar mar waa in aad ka gudubtaa Xadka, Diinta, Akhlaaqda iyo Damiirka, aadna u bareerto Dambi Aakhiro keyd kuu ah, Adiga oo madluum u isticmaalayo in aad mustaqbalkiisa u baabiso si aad ku gaarto Dantaada gaarka ah)

4. Udo ulfkotte ayaa yiri:

Media-hu waa beenaale. Waxaan ahaa Saxafi muddo 25 Sanno ah, waxaa la i baray Beenta iyo in aanan marna Runta u sheegin Bulshadeyda, waxaa kharajkeyga bixinayay CIA-da, Bulshada Sirta ah, Taajiriin Mareykan ah. Wariyayaasha waxaa loo isticmaalaa in Bulshada lagu hanto. ( F.S: 4aad)

( Siyaasadda waxaan ku nacay, in aad Adigu Dadka been u sheegto, waxaa kuu sii dheer in aad u soo kireysato Beenaale. Beentaadu waa khashifmee, wariye oo dhami kaa yeelimaa in aad adeegsato, Dadka Qaar ayaa ku fahmayo, Beentu Aduun iyo Aakhro kuma fiicno)

5.Naum Tashomiski ayaa yiri:

Ma jiro Wadan magaciisa la yiraa, Fakhri ee waxaa jiro Nidaam ku fashilmay in uu si fiican u maamulu Khayraadka Dalkiisa.( F.S: 5aad)

( Siyaasadda waxaan ku nacay, Nidaamka Dowliga ah looma xulo Qofkii ku haboonaa. Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka ayaan 4 Sano oo aan marna Gacantiisa taagin. Maalintii Dambe ayaa Gacanta taagay, Afhayeenkii Baarlamaanka ayaa yiri: war maanta Hebel fursadda hala siiyo Gacanta ayuu taagaye, waxana uu yiri: Waxaan rabaa Muqusha. Hadda 4 Sanno oo kale ayaa Beeshiisii dib u soo dooratay)

6. Boqor ayaa Dadkiisii ku yiri:

Daacuun Dadkeeyga kuma dhicin sidii aan Xukunka u qabtay. Dadkii ayaa yiri: Allaah waxa uu nooga naxariistay in uu Laba Musiibo noo kulmyo isku mar, Adiga iyo Daacuun.(F.S: 6aad)

( Siyaasadda waxaan ku nacay: Dadkii oo dhibaato heeyso in aad Adigu ku sii noqoto dhibaato kale. Horaan u iri: Sharcigu ma qabto Madadxda sare, waxaa la yiri: marka Dambiilayaasha la tirinaa, Sheeydaanka laguma daro. Annaga Allaah nooma kulmiyo Laba Musiibo, Madax xun, Daacuun iyo …..)

Gunaanad
Lixdaas iyo kuwa kale oo ka badan ayaan ku diiday Siyaasadda iyo
1.Daruuraha siyaasadeeda ee Hadda jiro. 2. Aniga oo aan aqoon u leheeyn siyaasadda.
3. koox aan isleeyahay waad la jaan qaadi kartaa oo aan waayay.
4. waxaa loo baahan yahay ugu yaraan 30 Qof oo ay daacad ka tahay in Dadka wax loo qabto.
5. Dad yaqaan Xadka u dhexeeyo Xuquuqda ay kugu wada leeyihiin, Qooyskaaga, Qaraabadaada, Qabiilkaaga, Deegaankaaga, Qarankaaga, Qowmiyadaada, Qaaradaada, Bani Aadannimada iyo Diintaadu, Adiga oo aan midna inkireyn, in mid waliba aad taqaan Xadka Xaqiisu halka uu ku egyahay)

Qore:Yahya Amir