1 min read

Gudoomiyaha rugta ganacsatada Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhigiiaa Rugta Ganacsiga Serbia.

Muqdisho, :- .Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdikariin Cali Gabayre ayaa safar shaqo ku jooga  Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia,waxaana uu kula kulmay Madaxa Rugta Ganacsiga Serbia iyo qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee dalka Serbiya kuwaas oo ka mid yihiin Shirkadaha kala ah, Shirkadda weyn ee ganacsiga Beeraha, kaluumeysiga ee ITN GroupLTD, Shirkadda YUMIS NIS, Shirkadda Tiknoolajiyadda ee Vlatacom, Shirkadda Thorn ZUMTOBREL Lighting ee ileyska iyo Qalabka Korantadda ee Barigga Yurub.

Shirkadaha uu la kulmay Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa ah shirkadaha Ganacsi ee ugu waawey dalalka Barigga Yurub sidoo  kale waxaa u la kulmay dhigiiaa Rugta Ganacsiga Serbia, iyo Ku-xigeenkiisa Marko Čadež iyo Milovan Kocić.

Shirkadaha Ganacsiga ee labada ee dal Somalia iyo Serbia ayaa rajeynaya in ay ka wada Faa’iideystaan xeebta dheer ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Barigga Africa oo dhan u noqon karta marin Ganacsi iyo Serbia oo ah dalka wax soo saar fiican leh weliba dhinac Macdanta, Beeraha Tiknoolajiyadda iyo Warshadaha.

Labadda dhinac ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashaan lahaa Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Serbia sidoo kale Ganacsiga gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyood badda Cas.