1 min read

Gudoonka labada Aqal oo kulun ku yeeshay maanta xurta Villa Basrlamaanka ee Hargaysa

Muqdisho :- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku-xigeennada labada aqal waxaana ayna ku yeesheen xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta howlaha baaxada leh ee horyaala Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ubaahan in si wadajir ah ay ugu wada shaqeeyaan labada  Aqal ee Baarlamaanka dalka, waxaana loo balamay in dib laisugu soo laabto kulan kale oo muhiim u ah Shaqada Baarlamaanka JFS.