4 mins read

Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 1-aad

Waa maxay Musuqmaasuq?:- Musuqa Luqada Ingiriiska waxa lagu yiraahdaa(corruption),Carabigana waa(fasaad) Macno ahaanna waa  sharciga oo la qaloociyo iyo wax is daba marin  noocya badan leh(transgression).dhanka kale haddii loo dhigo Musuqmasuq waa lunsasho hanti dadweeyne, wuxuuna ka dhici karaa hey’adaha dowladda(Public sector) iyo kuwa gaarka loo leeyahay (Private sector).

Noocyada Musuqa:- Qeybaha uu Musuq maasuqu u kala baxo iyagoo fara badan waxaan ka soo qaadanaynaa:1-Musuqa Laaluushka,qaraabo-kiil wax isdaba marinta,2-Musuqa Xatooyada xoolaha dadwaynaha, 3-Musuqa ku takrifalka awoodda, 4-Musuq maasuqa Doorashada. 5-Musuqa duudsinta xaq Qof  leeyahay, 6-Musuqa siinta cid kale xaq aysan laheyn. 7-Musuqa sheegashada aqoon ama Khibrad uusan qofku laheyn. 8-Musuqa  gudasha la’aanta waajibaad qofka loo igmaday, 9-Musuqa Qofku si qayaano ah ugu gurto miro cid kale beertay. 10- Musuqa Been abuurka

Sidee Musuqu noo Saameeyay?. Muddadii ka danbaysay burburkii dalka, Soomaliya waxaa lagu tiriyaa wadamada sida aad ka ah uu u saameeyey musuq maasuqa waxayna kaaalmaha hore ka gashay wadamada musuq maasuqu ragaadiyey, Musuqa waxuu inta badan ka jiraaa ama ka dhacaa hey’adaha dawladda, iyadoo dad xilal lagu aaminay ay caado ka dhigtaan in ay lunsadaan hantida dadweynaha ee loogu talagalay in loo adeegsado horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida  dhismaha Waddooyinka, Iskuullada iyo Isbitaallada, waxaa kaloo
musuqa sida weyn noo saameeyey ka mid ah laaluushka oo saameyn weyn ku yeeshay qaar ka mid ah hey’adaha dowladda gaar ahaan wuxuu si aan qorsoodi laheyn u ragaadiyay hey’adaha garsoorka ee dalka.

Maxaa laga dhaxlaa Musuqa?. 
Musuq maasuqa waxaa laga dhaxlaa Saboolnimo , Amni darro iyo dib u dhac Bulsho, Musuq maasuqu waxaa uu khal khal galiyaa bulshada, wuxuuna u horseedaa nolol xumo, isagoo wiiqa dhaqaalaha dalka waana caqabadda ugu wayn ee horumarka iyo dawladinmada.

Dhaqan doorsoonkii dalka ka dhacay waxaa ka mid ah in dad badan aysan dareensanayn dhibaatada musuqa oo loo tusay inuu yahay wax fudud oo aan dhibaato laheyn, dadka sidaa ka aaminsan waxaa musuq maasuqa loo baray magaca ah (Howl- Fududayn).

Sidee looga hortagi karaa Musuqa?. 1- in la xoojiyo wacyi galinta madaxda qaranku bilaabeen, si bulshada loo dareensiiyo  ama loo baro in musuqu xaaraan yahay.

2-in la xiisaabiyo lana tirakoobo hantida masuuliyiiinta dawladda inta aysan xilka qaban.3- in sidoo kale dib loo hubiyo loona tirakobo hantida masuuliyiinta dowladda marka ay xilka ka dagayaan, talaabadaan oo aan wali la hirgalin.

4- in Xukuumaddu hubiso qorshaha mashaariicda wadanka laga fulinayo, lacagta loogu tala galey iyo sida uu mashruucu u fulay, xisaabtan dhab ahna lagu sameeyo.
5- in xil magacaabista iyo shaqaalaysiinta heyd’aha dawladda lagu xulo xirfad  lagana hortago qof jeclaysi iyo qaraabakiil.

5- in laga shaqeeyo sidii looga gudbi lahaa awood qeybsiga qabiilka, kaasi oo ah caqabad weyn oo ku hor gudban dowladnimada Soomaaliya.

Musuqmaasuqa Soomaaliya waxa uu ka jira heerarka noolasha oo dhan, qeybaha dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay labaduba; isagoo kor u sii kordhay hab dhaqan ahaan oo aan waliba caadi aheyn. Bishii Maarso ee sannadkii 2018-kii, Madaxweynaha hore Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo oo ka hadlay furitaanka kal-fadhigii seddexaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay, “in aan la inkiri Karin in ay jiraan eedaymo musuqmaasuq oo aad u xun oo ay qaar ka mid ah dowladu sababteedu leeyihiin”.

Dowlad wanaagga waa hanaan dhaqaalaha, siyaasada iyo maamulka dal uu maro meel la dhihi karo waa mid hufan oo cadaalad leh oo xisaabtan uu ku jiro go’aan qaadashada iyo hergelintada siyaasadaha dowladeed, sidoo kale dhammaan codka qofka awooda leh iyo qofka aan awooda laheyn waa la maqlaa marka ay noqoto qorsheynta, qiimeynta & hergelinta intaba. Dowlada wanaagsani waxay xiriir la leedahay suuqyada ganacsiga, bulshada rayidka ah, dalalka deriska ah, caalamka & hey’adaha caalamiga ah. Dowlada wanaagsani waa mid ka fog masuqmaasuqa waa mid leh xisaabtan.

Musuqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku lahayn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah, waxaana jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa  la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ah  ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, hadaba Shacbiga Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoojinta tiirarka Dowladnimada Soomaaliya.

La soco Qeybta 2-aad.

By: Ruush Abdullahi