1 min read

Wasiirka Xannaanada Xoolaha XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Sacuudiga

Riyadh :-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Riyadh ee boqortooyada Sacuudiga kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaas Eng. Cabdiraxmaan bin Cabdulmuxsin Al-Fadhly.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada wasaaradood iyo kor u qaadida hormarinta ganacsiga xoolaha ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.