1 min read

Hay’adda tirakoobka Qaranka oo soo saartay warbixin ku aaddan wax soo saarka gudaha ee 2022-kii.

Hay’adda tirakoobka Qaranka, ayaa waxay soo bandigtay Warbixin ku saabsan wax soo soo saarka gudaha ee sanadkii 2022-kii, taas oo lagu saleeyey habka kharashka.

Warbixintu waxay muujinaysaa heerka kobaca dhaqaalaha dalka in uu yahay 2.4%, waxanay sidoo kale muujineysaa aragtiyo qiimo leh oo ku saabsan xaaladda guud ee dhaqaalaha, taas oo waddada u xaaraysaa dejinta siyaasado dhaqaale oo hufan.

Warbixinta ayaa sidoo kale daaha ka qaadday in inkastoo dalku ay soo food saartay caqabado kala duwan oo ay ka mid yihiin abaartii daba dheeraatay ee dalka ku habsatay 2022-kii, haddana dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu muujiyay dib u soo kabasho.