2 mins read

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad Xasaasi ah ka leediyay Garoonka Mogadishu Stadium+Sawirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo garoonka Muqdisho ee Kubadda Cagta kagala qeyb-galay kumannaan shacab ah, xuska sannad-guurada 63-aad ee xornimada iyo midnimada dalka ayaa ka hadlay xaaladda dalka, sooyaalka dadka Soomaaliyeed ee la dagaallanka gumeysiga iyo hiigsigooda ku aaddan dhismaha qaran ka tilmaaman gobolka iyo qaaradda.

Gumeysigii laga xoroobay iyo kan maanta;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo garoonka Muqdisho ee Kubadda Cagta kagala qeyb-galay kumannaan shacab ah, xuska sannad-guurada 63-aad ee xornimada iyo midnimada dalka ayaa ka hadlay xaaladda dalka, sooyaalka dadka Soomaaliyeed ee la dagaallanka gumeysiga iyo hiigsigooda ku aaddan dhismaha qaran ka tilmaaman gobolka iyo qaaradda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay maanta garowsan yihiin in argagixisada ku soo duushay dalka ay yihiin gumeysi xanuun badan oo cuuryaamiyey nolashooda, xasuuqay dadkii ay jeclaayeen, kana been abuurtay diinteenna suubban, isagoo soo bandhigay rajadiisa ku aaddan in wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah argagixisada lagaga sifeyn doono taako kasta oo ka mid ah dalka.

“Dhaqaale kuuma ogola. Xorriyad kuuma ogola, in aad cibaadeysato kuuma ogola. Masaajiddii ayey duminayaan, culimadii dadka diinta bareysay ayey dilayaan, haldoorka bulshada ayey dilayaan. Waa nimanka shalay qaraxa ku burburiyey Masaajidkii Daaru-nimca. Nimanka noocaas ah bal maxay noo reebteen”.

Soomaaliya ku filan amnigeeda;  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu bishaareeyey shacabka Soomaaliyeed in goobihii ugu horreeyey ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kala wareegeen Ciidamada Walaalaha Afrika ee dhowr iyo tobonka sano ilaalinayey amniga dalkeenna, taas oo muujinaysa in Soomaaliya ay gaarayso dhammaadka sannadka soo socda isku filaansho dhanka amniga iyo xaqiijinta nabadda.

Federaaleynta iyo La dagaallanka musuqmaasuqa  

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isku tashiga dowladda iyo shacabka ay aas-aas u tahay horumarka uu ku tallaabsanayo dalkeennu, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyadoo dowladda dhexe ay mudnaan siineyso horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka musuqmaasuqa, adkeynta amniga, dhammeystirka dastuurka iyo xoojinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Doorka dadka Soomaaliland ee xornimada iyo midnimada

Madaxweynaha ayaa adkeeyey doorka taariikhiga ah ee dadka Soomaaliland ay ka qaateen xornimada iyo midnimada dalka, isagoo muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaarka ugu tahay in la xalliyo tabashadii ay qabaan.

Madaxwyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey magaalooyinka dalka gaar ahaan  Laascaanood sida maamuuska leh ee looga xusay maalinta xornimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo.

Munaasabaddan lagu xusayay 63 guurada ka soo wareegtay markii Gobollada Koonfureed ay xorninada ka qaateen gumeystaha Ingiriiska iyo israacii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka,  Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Saraakiisha Ciidanka Xooga dalka iyo kumanaan shacab ah ayaa ka lagu qabtay Tuulada Isboortiga Soomaaliyeed.