1 min read

Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya oo qaabilay Safiirka Sirilaanka ee dalkaas..

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Itoobiya mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa safaaradda Addis Ababa ku soo dhaweeyey Safiirka Jamhuuriyadda Hantiwadaaga Dimuqraadiga ah Sirilaanka ee dalkaas mudane KK Theshantha Kumarasiri.

Kulankan ayay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac, waxayna hoosta ka xariiqeen oo isla garteen kor u qaadista iskaashiga labada dowladood.