6 mins read

Warbixinta Toddobaadlaha ee ay soo saarto Dowladda Federaalka Soomaaliya

– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda Ciidul Adxa shacabka la hadlayey ayaa dul istaagey caqabadaha curyaamiyey nolosha dadka oo musuqmaasuqa ugu horeeyo.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqey shacabka inay garab istaagaan qorshaha dowladda ee la dagaalanka Khawaarijta iyo musuqmaasuqa. Madaxweynaha waxaa uu hadalkaasi ka jeediyay Masjidka Isbahaysiga oo uu shacab iyo mas’uuliyiin kala qeybgaley salaadda Ciidul Adxa.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqey shacabka inay ka shaqeeyaan midnimada iyo horumarka, lagana fogaado colaadaha iyo kala qeybsanaanta, isagoo ka hadlayey munaasabba 26-ka June ee xornimada gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Jamhuuriyada Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle u diray hambalyo ku aaddan maalinta xoriyadda Djibouti ee 27 June.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo uu khudbad u jeediyay uga warbixiyay xaaladda amniga dalka, waxa uuna u jeediyay codsi ku aaddan in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saarneyd tan iyo sannadkii 1992-dii.

6- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ahmiyad weyn siinayso horumarinta waxbarashada, isla markaana shaaca ka qaadey in ilaa 10,000 oo macalimiin cusub la shaqaaleysiin doono.

7- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Washington Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Lloyd J. Austin.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada New York kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, iyagoo ka wadahadley arrimo la xiriira nabadda, amniga, xasilinta, iyo xaaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya.

9- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Maka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kula kulmay Madaxweynaha dalka Pakistan, Mudane Arif Alvi, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dal.

10- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Maka ee dalka Sacuudiga kula kulmey Wasiirka Difaaca Kenya Mudane Aden Barre Ducaale.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tababar la xiriira isku-xirka shacabka iyo ciidanka u soo xiray saraakiil ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

12- Ra’isul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah furay kulanka heerkiisu sareeyo ee Xasillinta iyo Soo Kabashada ee goobaha laga xorreynayo cadowga Al Shabaab.

13- Ciidamada ammaanka oo la wareegay guri saldhig u ahaa Khawaarijtii isku dayday khalkhal galinta amniga Muqdisho  ee ku soo weerarey gantaallo macmal ah.

14- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa guddoomiyey shirka amniga iyo xasiloonida ee maalmaha Ciidda iyo toddobaadka xoriyadda.

15- Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cali ayaa guddoomiyay kulan oo looga arinsanayay sugida amniga iyo xasiloonida  caasimadda.

16- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaaalaha ee  Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa  magaalada Muqdisho ku daahfuray Istaraatijiyadda Qaran ee Istaatistikada Arrimaha Bulshada oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliyeed.

17- Wasiirka  Tamarta Iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac Taqal Cabaas iyo mas’uuliyiin kale ayaa shirkadaha bixiya adeega biyaha ee gobolka Banaadir kala Hadley sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen biyo-nadiif ah oo qiimo jaban.

18- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah furay ololaha bilic soo celinta iyo nadaafada caasimadda.

19- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa si rasmi ah Muqdisho uga daah-furay shirkii 4aad ee Madasha Garsooreyaasha Dalka.

20- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilalka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyihii hore Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

21- Wasiirka Gaashaandhigga  Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo madaxda Maxkamadda Milateriga iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed  ayaa kormeer ku tagay  Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

22- Wasiirka Waxbarashada XFS Mudane Faarax Sheikh Cabdulqaadir ayaa magaalada Dhuusamareeb ku soo xiray shir 3- cisho ah oo u socday mas’uuliyiin ka kala socday Guddigga Wadatashiga Waxbarashada ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

23- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac  ayaa Austria kula kulmey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaas Alexander Schallenberg.

24- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa kormeer ku tagay goobaha la dajiyay xujeyda Soomaaliya ee ku yaalla magaalada Maka Al-Mukarama ee Dalka Sacuudi Caraabiya.

25- Taliska Ciiddanka Xoogga Dalka oo fulinaya heshiiskii la wareegidda amniga guud ee dalka ayaa Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS kala wareegay saldhigga Mirtaqwo oo ku yaalla Dowlada Goboleedka HirShabeelle.

26- Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in ku dhowaad hal milyan iyo labo boqol oo neef oo xoolo ah sannadkaan laga dhoofiyay Soomaaliya.

27- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ayaa Gobolka Shabeellaha Hoose ka fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta Al Shabab, halkaas oo lagu dilay 45 isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.

28- Shir looga hadlayo istiraatiijiyadda xafiisyada xeer ilaalinta oo Muqdisho lagu qabtay.

29- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa Muqdisho kulan kula qaatay dhammaan ganacsatada shirkadaha ka shaqeeya shidaalka.

30- Xafiiska Hantidhawrka guud ee Qaranka ayaa ku wareejiyay Xafiiska Xeer- Ilaaliyaha Guud ee Qaranka warbixin baariseed fatash ah (Forensic Audit Report) warbixintaas oo sheegeysa in lacag dhan 21 milyan oo dollar ay ku maqan tahay mas’uuliyiin ka tirsan laamaha dowladda ee bixinta rukhsadaha shaqo ee shisheeyaha Soomaaliya ka hawlgala.

31- Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa billaabey dhimista Ciidamada, iyada oo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) ee tirsigiisu yahay 2628 (22) iyo 2670 (22), kaas oo faraya howlgalka ATMIS in ay saarto 2000 oo askari dhammaadka Juun 2023.

32- Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha wadahadalka Somaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Muqdisho kulan kula yeeshay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya.

33- Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa daah-furay hannaan casri ah oo loo yaqaan SOMQR, kaas oo fududeynaya habka lacag bixinta iyo wax kala iibsiga.