2 mins read

Dowladii Nasiibka!!!

Markii aan dhiganayay Dugsiga dhexe Adeer ayaa Guriga Noogu Akhri jiray Buugaag Af Carabi ku qoran.
Waxaan Jeclaan Jirnay Buugaagata ay qoreen. Cabaas Caqaad, Aniis Mansuur, Mustafa Amiin iyo Twofiiq Al-Xakim. Waxa ay ahaayeen Masaari. Towfiiq Al-Xakiim waxa uu ahaa Qoraa weyn oo caan ahaa.

1. Waxaan ka xasuutaa Qoraaladii Towfiq Al- Xakim. Sheekadii:( Ximaaru Al- Xakiin iyo Casaa Al- Xakiim) .
Waxa uu leeyahay Markii aan Duqoobay waxaa igu soo haray Dameer iyo Ul aan Cuskado marka aan soconayo.
Laakin, Hadda waxaa igu haray Ushii oo kaliya, Sababta oo ah Dameerkii waxa uu iga galay Siyaasadda Masar.

( War Somaliya Heer Qaran iyo Heer Maamul Gobaleed, Dadka galay Siyaasadda Qaarkood amey la mid yihiin Dameerkii Towfiiq Al-Xakiim)

2. Qiso kale oo uu Qoray Towfiiq Al- Xakiin waxa ay aheyd ( Xukuumatu Al Nasiib), Dowladii Bakhtiyaa nasiibka.

Waxa uu leeyahay Dalka Masar Dadka shaqa Doonka ah ee Taageersan Jamaal Cabdinaasir waxa ay tagi jireen Xafiiska Shaqa bixinta, kadibna waxaa loo qeybinayaa warqado ay ku qoranyihiin Jagooyinka banaan. Qafba mid ayuu soo qabsanaa shaqada ku qoran ayaana loo qaadanaa.

( Somaliya, Ugaas ayaa u tagayo Rasiisul wasaaraha waxa uu ku Dacwoonaa, Reerkeeno weligood ma helin Agaasime Guud. Dood Dheer iyo Culeeys la saaray Xukuumadda, waxa ugaaskii lagu yiri: Waxaa banaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Kadibna, Ugaaskii waxa uu shiriyay Aqoonyahankii Beesha, waxa uuna ku yiri: Jufada X waxa ay hore u qaadatay Xildhibaankii, Jufada Y waxa Afar sano ka hor ay qaateen Xildhibaankii kan ka horeeyay.

Shanta Jufo ee Hartay ayaa Jaamiciyiintoodu ku tartamayaan, waana Qof waliba Nasiibkii, Shantaan warqad kala qaata. Weey kala qaateen, waxaana ku guuleystay Dr. Farax yare oo ku takhasusay ka hor tagga Cayayaanka Abuurka Beeraha galo.
Qaraabdii ayaa Quraan Saartay Dr. Farax una hambalyeeysay, waxaana loo geeyay Ra’iisul wasaarihii si uu u qabto Xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Beeshu u soo Xushay.

Maxaad kula talin leheyd Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Al nasiib?

Qoraaladii Tawfiiq Al- Xakiim waxaa la mid ahaa ( F.S: 1-11aad).

Qore: Yahya Amir