1 min read

Madaxweynaha Belarus ,”Ma jirto sabab looga cabsado Wagner”

Alexander Lukashenko ayaa sheegay in aysan jirin sabab looga cabsado dagaalyahanada Wagner ee ka soo muuqday Belarus.

Hoggaamiyaha rug-cadaaga ah ayaa sheegay in ciidamadiisa ammaanku ay il gaar ah ku eegi doonaan Wagner.

Markii uu dhammaaday gadoodkii Sabtidii, waxaa lagu dhawaaqay in Yevgeny Prigozhin iyo qaar ka mid ah dagaalyahannadiisa Wagner la siin doono gabaad nabdoon oo Belarus ah iyadoo aan weli taasi la xaqiijin.

Mar sii horeysay, Mr Lukashenko ayaa saxafiyiinta u sheegay in isaga iyo kuwa kale ay u maleeyeen in xiisada u dhaxeysa Wagner iyo taliyayaasha ciidamada Ruushka ay iyagu xalin doonaan, balse aysan taasi dhicin.

Ma jiraan geesiyaal ka soo baxay is-maandhaafka ayuu yiri, maaha Madaxweyne Putin, maaha Yevgeny Prigozhin, iyo laftiisa toona.

Waxa uu ku lug lahaa dhexdhexaadinta heshiis u dhexeeya Kremlin iyo Wagner.