1 min read

Dagaal culus oo weli ka socda Suudaan iyo RSF oo la wareegtay xarun ciidan.

Dagaal culus ayaa ka socda koonfurta caasimadda Suudaan ee Khartoum kaas oo u dhexeeya ciidamada iyo xoogaga taageerada degdega ah.

RSF waxa ay sheegtay in ay la wareegtay xaruntii ay ku shaqeynayeen cutubyo ka tirsan booliska oo loo yaqaano Central Reserve Force.

Waxa ay baraha bulshada soo dhigtay muuqaal muujinaya ciidamadeeda oo dabaaldegaya.

Kadib toban todobaad oo dagaal ah xaalada bini’aadantinimo ayaa kasii daraysa magaalada.

Waxaa sii kordhaya walaaca caalamiga ah ee laga qabo weerarrada salka ku haya qowmiyadaha ee ka dhacay gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan.

Maleeshiyada Carabta ee la shaqeysa RSF waxay beegsadeen qoysas aan Carab ahayn.

In ka badan boqol iyo konton kun oo qof ayaa ka qaxay Daarfuur oo aaday dalka jaarka ah ee Chad.