1 min read

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay xuska Todobaadka xorriyadda.

Wasiirka arrimaha Gudaha ee XFS ahna Guddoomiyaha guddiga u diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda mudane Ahmed Cali Fiqi ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo looga hadlayay isku dubaridka.

Munaasabadaha isa-saaran ee nagu soo fool leh, iyada oo uu kulankan goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Guddiga ayaa ugu horeyn warbixin kooban oo hordhac ah ka dhageeystay xubnaha guddiga farsamada ee isku dubaridka muunaasabadda 26-Juun iyo 1-Luuliyo, iyaga oo sheegay in si weyn loogu diyaar garoobay weyneenta maalmaha qiimaha badan ee nagu soo aadan.