1 min read

MW Xasan Sheekh oo Magaalada New York kula kulmay xoghaya guud ee QM.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa Magaalada New York kula kulmay xoghaya guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.

Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghaya guud ee Qaramada Midoobaya ayaa diiradda waxaa lagu saaray qodobo ay ka mid yihiin nabadda, amniga, xasilinta iyo xaaladda bini’aadantinimo. sida lagu yiri qoraal kooban oo lagu faafiyay barta Twitter ee Madaxtooyada Soomaaliya.

 

https://twitter.com/compose/tweet

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Maraykanka tobadaakii hore ayaa khudbad u jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Jun 22, 2023-ka, isaga oo hadaljeedintiisa diiradda ku saaray dhibaatada Soomaaliya ay ku heyso cunaqabateynta hubka ah ee saaran tan iyo sanadkii 1992dii.

Dr Xasan Sheekh ayaa sheegay in dedaal badan la geliyay sidii Al-Shabaab looga qabsan lahaa deegaannada ay joogaan, iyada oo howlgalladii ugu dambeeyay looga qabsaday in ka badan 70 Deegaan sida uu khudbaddiisa ku sheegay Madaxweynaha.