1 min read

Erdogan oo Putin ku booriyay inuu u dhaqmo si ‘xikmad’ leh

Madaxweyne Tayyib Erdogan ayaa Sabtidii khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, wuxuuna ku booriyay inuu u dhaqmo si caqli-gal ah, kadib markii dagaalyahannada calooshood u shaqeystayaasha ah ee Ruushka ay billaabeen duqeymo hubeysan, sida ay sheegtay madaxtooyada Turkiga.

Putin, ayaa ku tilmaamay ficillada kooxda Wagner inay yihiin “khiyaano qaran” mar uu khudbad degdeg ah ka jeediyay taleefishinka, wuxuuna sheegay in cid kasta oo hub u qaadata militariga Ruushka la ciqaabi doono.

Erdogan ayaa ka mid ahaa hogaamiyayaashii ugu horeeyay ee la xiriiray Putin khudbadiisii Sabtidii kadib.

Madaxtooyada Turkiga ayaa sheegtay in labada dhinac ay ka wadahadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Ruushka, wuxuuna Erdogan u sheegay Putin in Turkigu uu diyaar u yahay inuu qaybtiisa ka qaato sidii xal nabadeed loo gaari lahaa.

Erdogan ayaa isku dayay inuu sii wado xiriir adag oo uu la yeesho Moscow iyo Kiev tan iyo markii ay bilowdeen iskahorimaadka Ukraine.

Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa diiday in uu ku biiro xulafadiisa reer galbeedka oo cunaqabatayn dhaqaale kusoo rogay Ruushka, balse waxa ay sidoo kale hub siisay Ukraine, waxayna ku baaqday in la ixtiraamo madax-banaanideeda.

 

Reuters.