1 min read

Dagaal ka socda duleedka magaalada Laas-Caanood.

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa xoogagga degaanka ee la Magac baxay SSC ayaa ka socda duleedka magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa waxaa ka horreeyay tiro madaafiic ah oo ay is dhaafsanadeen Ciidamada Somaliland iyo xoogagga SSC, kuwaas oo ku kala dhacayay Magaalada Laas-Caanood iyo Saldhigga Goojacadde.

Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Laas-Caanood ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka xoogiisa uu ka socdo dhinaca Bari ee Magaalada Laas-Caanood, isla markaana dhinacyada ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Muuqaalo lagu faafiyay Baraha Bulshada ayaa muujinaya Qiiq ka baxaya  Saldhigga Ciidamada Somaliland  ee Gooojacadde, waxaana meelaha qaar ka socda barakac xoogan oo ay sameeynayaan dadka Shacabka ah.