1 min read

Jimca Mubaarak iyo Hooyo ma nasato !!!.

Maanta waa Jimco, 6 Maalmood oo ah Maalmihii shaqada kadib, Dadka Muslimiinta ahi, waxa ay ka nasanayaan shaqadii, inta badan waxa ay isku diyaarinayaan Cibaado iyo Qaraaba salaan, qaarna Xeebta iyo Goobo degan ayeey aadayaan si ay naftoodu u hilmaanto Daalkii 6da maalin.

Ardaydii Dugsiyada waa la fasaxay, Xafiisyadii Dowladu waa xiran yihiin, Xarumihii Ganacsiga ee waaweynaa waa xiran yihiin. Waa la wada nastay.

Hal Qof ayaa jiro oo 6dii Maalin ee Shaqada, kaa shaqa badnaa, Maantana aan Nasaneyn. Waa Hooyadaa, Caruurtaada Hooyadood, kuwa aad Abtiga u tahay hooyadood, kuwa aad Abkoow u tahay Hooyadood, Kuwa kale Hooyadood, Hooyo, Hooyo ma nasato.

Adigu ma ku kaalmeeysay Hooyada shaqada Maanta oo jimco ah, Runta hadaan iska sheego, Anigu Hal saac ayaa wax la soo qabtay, kadibna waan ka soo dhuuntay iyada oo weli shaqadii jimcaha sii wado, Tabaraa ii deyrisay.
Hooyo ma nasato, Aakhiro Goob nasasho Allaah ha uga dhigo, Anaguna Allaah ha naga dhigo kuwii Aduunka ku taageero sidii ay u nasan leheyd.

Qore : Yahya Amir