1 min read

Dowladda Soomaaliya oo suuqyo cusub caalamka uga raadineysa xoolaha dalkeenna

Wasiirka xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa ee XFS Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) ayaa ka hadlay qorshaha ay wasaaraddu hiigsaneyso ee dhoofka xoolaha Soomaaliya.

Wasiirka oo ka qeyb galay barnaamijka kulanka toddobaadka ee warbaahinta qaranka ayaa laga wareystay dhoofka xoolaha Soomaalida ee caalamka loo iib-geeyo, gaar ahaan dalalka Carabta.

Xilligaan sanad kasta waxaa suuq fiican yeesha xoolaha Soomaaliya, maadaama ay soo dhowdahay ciidda Carafo oo dunida muslimka laga qalo xoolo badan oo Udxiyo ah.

Sanadkaan waxay ganacsatada Soomaaliyeed qaar ka mid ah wadamada dunida Muslimka u dhoofiyeen xoolo aad u badan, kuwaas oo suuq fiican ka helay dalal u badan Khalijka.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale qorsheyneysaa in ganacsatada Soomaaliyeed ay helaan suuqyo cusub oo ay u iib geysan karaan xoolahooda, sida uu wareysigaan ku sheegay wasiirka xanaanada xoolaha Soomaaliya.

’’Waxaan ka shaqeyneynaa in aan Suuqyo hor leh u helno iibka xoolaha Soomaaliya, waxaa socda xiriirro meel fiican maraya oo aan ku raadineyno suuqyo cusub,” ayuu yiri wasiir Xasan.

Wuxuu intaas ku sii daray, in sanadka soo socda ay dowladdu qorsheyneyso in laba u jibaar ay ku kororsto tirade xoolaha ay Soomaaliya u dhoofiso caalamka.

“Waxaan rabnaa in suuqyo cusub aan ka helno Masar, Ciraaq, Indunisea iyo dalal badan oo kale, meel fiican ayuu qorshahaas noo marayaa, dadka Soomaaliyeed inay dhoofsadaan xoolahooda ayaan ku dadaali doonaan, taas ayaa naga go’an si dhaqaalaheenu u kobco,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Xasan Eelaay.

Wasiirka ayaa shaaciyay in tirada xoolaha sanadkaan laga dhoofiyay Soomaaliya ay gaareyso in ka badan 1.2 Milyan oo Neef.

“Qiyaasta aan hadda hayno ku dhawaad 1.2 illaa 1.5 Milyan xoolo ah ayaa Xajka loo qaaday, tirada u dambeysana marka ay dhamaadaan ayaa soo sheegi doona Insha Allah,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Soomaaliya.