1 min read

Geedka Midnimada Soomaalida!!!.

Aniga iyo 25 Qof oo Somali ah ayaa aadnay Geedka midnimo oo lagu mideeynayay Somalida, waxaan sii marnay Geedaha Nafleyda kale. intii aan ku sii lugeyneynay waddada dheer ee Miyiga si aan u tagno Geedka mideeynta Somalida, waxaan waddada dhinaceeda ku aragnay.

1. Dhar yaal waddada dhinaceeda waan sii socnay.2. Saxan Bariis ah ayaan aragnay. 3. Lacag Sadaqaa. 4. Maqaar. 5. Yicib. 6.Qori AK ah. 7. Kursi. 8. Faylka Jawaasiista. 9. Geel. 10. Qaad. 11. Kaluun. 12. Kitaab Qur’aan. 13. Weel Biyo ka buuxaan. 14. Naag waddada dhinaceeda jiifto. 15. Quulle. 16. Qamiis iyo Timir. 17. Jaakad aan Jeebab leheyn. 18. Dollar guduud ah. 19. Sun. 20. Darees Ciidan oon darajo leheyn. 21. Qabiil geed hoos fadhiyo. 22. Gaalo cad cad. 23. Sagaaro Geed daaqee. 24.Sanduuq Sixir ah. 25. Yaambo & Misaar.

Markii aan u dhawaaday Geedkii midnimada ayaan Gadaal fiiriyay, waxaan arkay in aan kaligey ahay. Waxaan ogaaday in Dadkii aan isla soconay mid ba meel uu ku soo haray oo uu ku leexday mid ka mid ah wixii aan wadada ku soo aragnay.
Gadaal ayaan u soo noqday, waxaan ogaaday xiriirka ka dhexeeyo Qofku meesha uu ku haray wixii yiil iyo qabiilkiisa. Ar, Somali sidee Geedka midnimada la isagu keenaa?

FG. Kkkkkk, waa kaftan, ha sheegin Saaxiibadii iga haray, xirrirka ka dheexeeyo wixii ay ku hareen iyo qabiiladooda. Haddaad ka jawaabto waxaad tahay Qabyaaladiiste. No Comment.

Qore: Yahya Amir